Dhaxantii jacaylkaa
Ii soo dheelmatee
Dhuuxay dhamaadee
Dhibaataan galee
Adaas kuu dhalaalee
Dhuuboy x2

Ii soo dhawow ha
I dhaafinee dhinacaa
Isaar dhaxyaray x2

Dhinac iyo dhul waa
Lays dhigaa ogaaw
Dhamahay kayaab
Iyo ow daahir nuur iga
Dhowr wixii dhakafaar
Ehee x2

Ii soo dhawow ha
I dhaafinee dhinacaa
Isaar dhaxyaray x2

Dhawaqaa macaan
Iyo dheeshaadiyaa
Dhugta iga qaadee
Ma dheeraan karee
Dhinacaaga joogaan
Ku dhaartay abaay
X2

Ii soo dhawow ha
I dhaafinee dhinacaa
Isaar dhaxyaray x2

Exit mobile version