sanadahaan aduunyadu
sadkii weeyaha caashaqu
sad haduu ku siiyanaa
seeduhuu ku boodaa
socdaalkaan dunida ku soo maray
saamiyaay sidaadoo kale
indhaha maan saarinee
suuradaada oo qudha
hadii aan cirqaadoo hadalkaa
waxaad iila siman tahay
saxansaxada roobkiyo
subaxdiina iila tahay
dadkoo isa salaamaa
saandahabeey daraadaa
maxaan salalee ku idhi
maxaan saacada eegayo
maxaan seegay seexashada
hayeeshee salaadii
markaan suga sujuuda
anoon saanta kula mArin
sahankii matoosee
hadii aan firqadoo hadalkaa
waxaad iila siman tahay
saxansaxada roobkiyo
subaxdiina iila tahay
dadkoo isa salaamoo

Exit mobile version