Heesta Sucdi - Lyrics
Soomaali idilkeed
Tii igu saraysaay
Ugu sidatay quruxdaba
Kalgacayl ku sahansaday
Way suurad wacantahoo
Sinaanshaha jidhkeediyo
dhexda siday u qorantiyo
Habka socodka laafyaha
Kuma aan saluugine
Waa saafi gabudhuye
Sucdi aragtidaadii
Suuradaada wacanbaa
Sidaad tahay i deeqdee
Kaa seexan waayoo
Si aan ahayba mooyee
Walee waad i sidataa
Waa saafi gabadhuye