barigaanu ku laniyo ilaa barashadeenii
badankayga caashaqu wale waa ku badanyahay
ma bogsane sidiibaan kuu baafiyaayoo
kuu baadi goobaa
biya dahab la moodyeey bureeqadii haweenkaay
bohol yaw i galisee ma i badbaadinaysaayo
ma i baxnaaninaysaa
meelaan biyiyo baad aan lahaynoo bulshadii
ka guurtaan ku baqoolayaayo
dartaa baaxad sooraha waxa aan la balan balay
waa baahidaadee
sida beera ubaxloo intuu roob biyaha dhigay
boqol midaba yeeshoo dadku booqasho u tagay
bildhaantaadu inanyahay waa bishaaradaydoo
bogaad iiga taalaa

Exit mobile version