Gabaryahay qurxoon heedheh
Ee Qoorta dheer heedheh
Afka qalin madoow heedheh
Ciridkana qadda leh heedheh
Labadaada qaar heedheh
Dhexda qabatinka leh heedheh
Goormaan qoslaynaayoo
Qooys wada dhisaynaayee

Qacdaan ku arkaybaa heedheh
Ishu ku qabatayoo heedheh
Qandha caashaqu keenay heedheh
Xanuun qabatimoo heedheh
Qammuunyoodayoo heedheh
Waa anigaan qarqaray heedheh
Goormaan qoslaynaayoo
Qooys wada dhisaynaayee

Qalanjaad tahoo heedheh
Qiimiyo allaaa heedheh
Qaaya kuu dhashoo heedheh
Qaladlaad tahoo heedheh
Qarnigaan ma arag heedheh
Qofan kula simaayo heedheh
Goormaan qoslaynaayoo
Qooys wada dhisaynaayeey

Qufaciyo kalgacal heedheh
Lama qarinkaree heedheh
Qayrkaa adaa heedheh
Kaa qaayibee heedheh
Waan kugu qancaa heedheh
Qalbigaad degtoo heedheh
Goormaan qoslaynaayoo
Qoooys wada dhisaynaayeey

Exit mobile version