inanyahay jamaalkiyo
jaahaaga quruxda leh
jaliil uu ku siiyaa
indhahayga jiitoo
kama jeesan karayee
markaad luqunta jabisoo
jees jees u socotaba
jaanta jagac ka siiisaa
sidii ruux jin maraybaa
jidhku ii dubaaxshaa
jeeray ahaataba
inaan kula jalbeebaa
jeexayga noqotoo
ifka jaar ku noqonaa
jawaab kaa sugaayaa
jamiilaay

markaan jiida kaca oo
aan jarmaad idhaahdaba
jacaylbaa i hor yaaloo
kama jiidan karayoo
joog buu ileeyahee
ku salcaamay jiifkoo
jeegadaan u aalaa
intaan juuq gabin
adaan kuu jirabanahee
jamiilaay wax ila qabo
jeeray ahaataba
inaan kula jalbeebaa
jeexayga noqotoo
ifka jaar ku noqonaa
jawaab kaa sugaayaa
jamiilaay

Exit mobile version