VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Jixin jix mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Hussein Shire Jama
Jixin jix

jalaqsanida laafyaha
jismigaaga simaniyo
jamaalkaaga taamka ah
jacayl igu abuuryoo
I jujuubay anigee
jamashadii naftayday
dadkaan kuugu jecelahee
jibadiisa caashaqa
qalbigayga jiidhoo
jirkaygii dhex qaado
xanuun igu jirabayoo
kaama jeesan karayee
jeexaygii baa tahee
badankay jarceeyoo
jidhkaygii daciifoo
jadiinkii ka go,ayo
hurda jiifi waayee
intaan kafan lay jarin
illka jiifsha lay odhan
ii jiidhnax qalanjjooy
ii jixinjix gacalooy

jimcahaan Is barana
ku jantoo ku qayibay
joogi mayo gooraan
macaan kula jarbeeboo
jabad wada dagnaayo
ifka nabad ku joognoo
farxad kugula jalbeebee
jasiirada bahgooyaa
dhex xjibaadaayoo
mawjada is jiidhaan
dhex jibaaxaayayo
meel aan jees lahayn baan
kaa jeedaaliyaaye
badankay jirceeyo
jidhkaygii daciifo
jadiinkii ka go,ayo
hurdo jiifi waayee
intaan kafan lay jarin
illka jiifsha lay odhan
ii jiidhnax qalanjjooy
ii jixinjix gacalooy

codkii Hussein Shire Jama