Heesta Maxaa loo dilay Marshaale - Lyrics
Madiiskiyo sheekadiyo
Majaajiladiyo ninkii
Murtida noo curin jiroo
Magaca weyn noo lahaa
Maxaa loo dilay marshaaleey
Maxaa loo dilay marshaaleey
Maxaa loo dilay marshaaleey
Maxaa loo dilay marshaaleey
2×
Maan gaabkii toogtayoow
Masiibo hakugu dhacdoo
Meel daran ha laguu dhigoo
Malagu ha ku soo qabtee
Maxaa loo dilay marshaaleey
Maxaa loo dilay marshaaleey
Maxaa loo dilay marshaaleey
Maxaa loo dilay marshaaleey
2×
Marxuumka shalay la dilay
Maleeshiyo qori watiyo
Ma mooriyaan buuhaa
Ma maalbuu dhul ka dhacay
Maya maya maya
Maxaa loo dilay marshaaleey
Maxaa loo dilay marshaaleey
Maxaa loo dilay marshaaleey
Maxaa loo dilay marshaaleey
2×
Maan garan macnahan xunoo
Maxasta lagu laynayoo
Maatada loo xasuuqayee
Masaakiin liqay sidii
Maankaygana waa gadee
Maxaa loo dilay marshaaleey
Maxaa loo dilay marshaaleey
Maxaa loo dilay marshaaleey
Maxaa loo dilay marshaaleey
2×
Masuulkan la layna iyo
Mushkiladahan taaganoo
Marnaba maanka maatadaa
Miyaan sii fiirsanaa
Mise waan dagaalanaa
Midkeebaa nala gudboon
Maxaa loo dilay marshaaleey
Maxaa loo dilay marshaaleey
Maxaa loo dilay marshaaleey
Maxaa loo dilay marshaaleey
2×