jacayka ka sikaan is iri
ma soconaysaa la yiri
siriqda kabaxbaan is iri
maba siimaysaa la yiri
ku sayri badaan is iri
sidaa maaha layiri

see seeji ayaan is iri
sariigaa laygu i yiri
seexate dhuumaan is iri
saqartaa maqlayba la yiri
sintaan u baxbaan is iri
sirtaa gartaybaa layiri

samir ruuxii dugsada
sadkiisa ma waayayee
sax iyo qalad waxii dhacana
xaalbaan kaa siinayaa
suleekha siman raali noqo o
sidii hore ii ahaaw

santaagleebaan is iri
subxaan kabaqbaa layiri
surumo ka dusbaan is iri
sinaba kuma haraa layiri
sabaal ku wadaan is irooyo
suurta galmaahaa layiri

saantiroo cararbaan is iri
se joogbaa lagu yiri
sarbeeb hadalbaan is iri
sax weedhaadaa la yiri
si kaleebaan wax u fahmoo
sahwiga dhaafbaa la yiri

by masuul.com

Exit mobile version