anigoon xisaabtamin
haddaan shalay xumaan falin
oo aan xadgudub dhigay
xarigga kuu jiray

maantaa xayiranoo
kii aan u xeertanaa
xujaday iga raacdayoo
xabaashaan dul aallaa

haddaan xabad useexdaba
xiska waxaan geliyaa
inagoo isku xiisnoo
xushmad kugula nooloo
xaaskaagii aan ahay
xbbi xyti aan kuleeyahay

xiriirkaa wacnaayoo
barya aan xeerin jiray
xajiinta aan ka dhowroo
qalbiga uga xera dhigay

waa adigii xumeeyoo
xanfarkii igu dhaafoo
xaaladdaad abuurtiyo
xiiso ololku waa maxay

xamdii mahaddii weeyoo
xuural caynta jannadiyo
gabar xaaji dhalayoo
xubna dabacsan lehbaa
xilahayga noqotoo
xariir baan ku jiifaaa

ninba xeeladdiisiyo
xilkasnima uggaaree
xaawaleeda dumariyoo
xigta kula dhashaan ahee

ha iigooynin xawdoo
hadal xanaf leh ha i oran
siduu xeer ahaan jiray
yaan xaal ku raacin

markaan xabad useexdaba
xiska waxaan geliyaa
inagoo isku xiisnoo
xushmad kugula nooloo
xaaskaagi aan ahay
xbbi xyti aan kuleeyahay

wadnihii aad xoogtiyo
jacaylkii i xagayoo
xayndaabkii aad igalisiyoo
xubbigii ka raystoo

xanuunkii ihayn jiray
xanfafkii iddaayoo
xaalaad isiiisiyo
xiiso kuma racleeyn karoo

xamdii mahaddii weeyoo
xuural caynta jannadiyo
gabar xaaji dhalayoo
xubna dabacsan lehbaa
xilahayga noqotoo
xariir baan ku jiifaaa..

Exit mobile version