VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Hees mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Ibraahin garabey
Hees

siduu koorahiisyo
iigu xidhay kabaalaha
kaynaanka orodkii
kaykay miyaan idhi
imisaan kufoon jabay
kabaabeey boogtee
maantana ka kacayoo
kulankeenu waa laba
farxad kawsanaayee
caashaqa kalkii galay
kabanoo ku naaxnee
noo kadab allahayoow

kalgacaylka wiilyoow
kuu karantimayn jiray
aniguba kardiisii
dhibta waan kabayduun
kula qabay kartiidii
siduu I kabidayoo
karbashkii daraniyo
iigu sugay kabuuubyada
socodkaba miyaan karay
imisuu I kibayee
karkar igu mar celiyo
kac fadhiiso igu yidhi
inta goori kawkabay
masoo koobi karayee
caashaqa karkii galay
kabanoo ku naaxnee
noo kadab allahayoow

kabuu kulaylka jiilaal
kaliishiisa dhamacda
kaymahiisa abaarsaday
kal dambu ku hooro
ku kafeeyay rayskii
kalmadihii diraacdee
kobcinaysay maalkiyo
kulaylaha xagaagii
karan soo hilaacdiyo
karka iga goysiyo
carfi soo kamkamayba
kula simay iyo kaahay
kalsoonida aan kuu qabo
masoo koobi karayee
caashaqa karkii galay
kabanoo ku naaxnee
noo kadab allahayoow

sidaa wali karaama leh
kutubtana ku xeeldheer
oo diinta kor u dhigay
kormihii aqoontiyo
kaska nooli eexdee
kartidii ragoo idil
kaligiila siiyo
kashka caano galayaa
ligmad laguma keene
kasmo waayo aragiyo
kohan waa adoo kale
koristeenu waa dhaqan
kalsoonida aan kuu qabo
masoo koobi karayee
caashaqa karkii galay
kabanoo ku naaxnee
noo kadab allahayoow

codkii Ibraahin garabey