lamaanihi is doortee duca waalid hela ee
ubad daadeheeyiyo noqda kuwa la daawado
waa iga dardaarane dabuubtay cabdoow
daganey ikraanbaa daaimkay ku siiyoo
deeqa weeyi eebuhu kuu doonay adigee
dadka lama mid ehee darmaantaada daadihi
inta dumar aduunyada dacalada ka joogtu
kaa doortay adigoo dayax iyo waxaad tahay
darmaan qurux la siiyee noqo tii daryeel badan
dumar tuu ka doortaay wiilkan daain kuu qoray
dirac weeyi geesiya dadnimana u dheertahay
daacadnimadu waa sharaf daaimkeenu bixiyee
dulqaad iyo dadaalbaa reer lagu daryeela
ducadeena oo idil waan idinku deeqnee
daa imkeenu idin dhawr daganiyo nasiib wacan

Exit mobile version