maku diray jacayl wali
maku yidhi qof daba soco
duufaano dhacay iyo
dabaylaha habeenkii
dhibka miyaad dayawdaa
mid dareen wataa iyo
ileen daalin baa tahee
doon doonistiisay
dadku kugula yaaban
dawo miyaad ka dhigataa
mise daranta geedkaa
dibnaha aanad galinoo
naftu kulama doodoo
inuu daran yahay maad aragee
dusuun baad ka maqashay

maku dagay jacayl wali
maku yidhi dabnaha iyo
afka ii dabooloo
dhagtu waxaanay doonayn
waa inaaad u diidaa
mid u daacad noqotoo
ileen daalin baa tahee
haduu kuuba darayay
inaaduun dul joogtaa
dawo miyaad ka dhigataa
mise daranta geedkaa
dabnaaga galinoo
naftu kulama doodoo
inuu daran yahay maad aragee
dushuun baad ka maqashay

Exit mobile version