waa dagal aduunyadu
qabyo aan dul joogno
doc markaad ka oodaba
dacal kugu banaan yahay
abidked dan iyo calaf
baa ku dayran noloshoo
dadkuna hawsha kama koroo
dibnana hadal ma daayaan
dawga ay ku socotana
cidi kama duwaysee
dawadeedna waxay tahay
inaan diinta eebiyo
daacadnaimada laga tagin

waa dagal aduunyadu
dabar iyo hogaan lahoo
ruuxna damac siduu rabo
kuma dago hir doogloo
waxaan daa,in kuu qorin
dag dag laguma gaadhoo
qofka madhan dulqaadkana
ifkana kuma dawoobee
dawga ay ku socotana
cidi kama duwaysee
dawadeedu waxay tahay
inaan diinta eebiyo
daacadnimada laga tagin

Exit mobile version