muuqaaga indhihii arkaa
kolkay eegaan farxoo
codkaagaa dhagihii maqlaa
ilaah mahad u celiyee
maskaxdaan ku ilaaliniyo
qalbigaan ku hananiyo
maankayga adigaa ku deeq
laba aan kala maarmin iyo
bidix iyo midig baynu nahay
bilan qalbiga ku bilan
oo hadan ku weyn
marka hooyoo dhadhami
oo hadana dhadhami
midbaa tahay igu lamaan
naftayda adigaa ku milan
marwaa tahay aan jeclee
macaan waa kugu maqsuudee
miligaan sharax kaa dhigay
xusuusaan meermin iyo
qalbiga adigaa ku mudan
abaal aan baraniyo
ubax baad iga mudan tahee
bili qalbiga ku milan
oo hadana ku weyn
marka hooyoo dhadhami
oo hadan dhadhami

Exit mobile version