Nicooy waan ku dhawrayaa
Dhibtaan kaa ilaaliyaa
Aduunyada dhamaanteed
Dhaayaha
u rooneey
Adaan kaa dhawaystaayoo
Aan ku soo dhawaystee
Kuu soo dhawaadee
Ma idhaadi karasaa
Dhibta hayga duushee kaalay
Abaayo kaalay
Xabiibi kaaly
Kaalay dhabta igu qabo
Nicooy dhiigaygiyeey
Dhuuxaygaad dhaqaajisaa
Haweenkaba dhamaantood
Dhinacaygii baad tehee
Adaan kugu dhadhabayaayo
Aan dheelno maantoo
Dheega isku qabanoo
Ma idhufan karaysaa
Dhaxdin ha ina daysee kaalay
Abaayo kaalay
Xabiibi kaalay
Kaalay dhabta igu qabo

Exit mobile version