inanayahay xaqiiqdii
xiisahaagu igu weyn
xusuustaadu igu mudan
xulashadii naftaydaay
xuural ceyn waxaad tahay
xumaan laga ilaashoo
xareed lagu mayroo
xaawaley usidatee
xidhiidhkii dhexdeeniyo
axdigii ma xidhanaa
balantii xageygana
weli waan xambaarsanahy
xubnahaa jirkaagee
lagu xeeray quruxdiyo
xaragada talaabadaa
xilka waajib gudataa
xaga waalidkaabaa
xabsooy ka raacdee
xishood lagu manaystaay
xasilooni waa adii
xidhiidhkii dhexdeeniyo
axdigii ma xidhanaa
balantii dhexdeeniyo
weli waan xambaarnahay

Exit mobile version