VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Tabtaa - Lyrics

Maxaan samir iyo dulqaad Qalbiga sahay uga dhigoo Intaan sakatida qarsaday Samaanta u muujay uunka Sadrigu ruux uu tabaayo Sadkani maqanu filaayo Sahwiga wuu igu dilaaye Sadaashu hadmay dhaboobi Ilayn suulo caashaqi Naftaydani la igu sidke Kashayda ku soohanaa Cakuye sahal kuma ba'oo Tabtaan ahay waa sidaa Maxaan samo iyo wanaag Ku sooray jacaylka oo Adiga subax iyo habeen Sarbeeb kuugu waayo sheegtay Hankayga adaa sitoo Adaa ku samaysmay beerko Dareen xubiga aan sidoo Hadmaan sabo wada dagnaa
Queue is empty
-- / --