Adaa heelloo ii tuma
Adaa halizta
Halista ii degay

Adaa heesaha caashaqa
Hanaqiyoo wadnaha iyoo
Igu lulay halbawlaha

Hanafaha jacaylkana
Hiyigeeyga galiyee
Markii aan hab soo iri
Inaad igu hadaaqdana
Miyay kula haboontahay

Adaa haasaawa ii furay
Adaa soo haabo igu yiri

Adaa hawraarta beentaa
Halacsiga waxaan jirin
Igu hodaayee ma ogtahay

Jacayl hadimadiisana
Hiyigeega galiyee
Markii aan hab soo iri

Inaad igu hadaaqdaa
Miyeey kula habboon tahay

Exit mobile version