VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Geesiga anaa leh - Lyrics

Sida gaban caruuraa Caashaqa gardaadshaa Guudkayga saaraa Gocashiyo ciiliyo Guuldarro masoo marin Nasiibkuna imuun gabin Guurkayga aayaha Gacalkayga wiilkaan Isku garasha nahayee Aragtida ku goonahay Isma seegno goornaba Geesiga anaa iskaleh Guullaana igu simay Inaan u gogol dhigoo galaddayda weeyaan Ragga guud caddaa iyo Gaashaan qaad midduu yahay Inkastoon gayaan yihiin Uma wada gudboonee Gabari keey xulateey U gardaadisaa ubax Geestaydaa aniguna Dookaygii gaarkee Aan sugay guyaal badan Allaah kaal igaliyoo Nin gobeed anaa helay Geesiga anaa iskaleh Guullaana igu simay Inaan u gogol dhigoo galaddayda weeyaan
Queue is empty
-- / --