Sida gaban caruuraa
Caashaqa gardaadshaa
Guudkayga saaraa
Gocashiyo ciiliyo
Guuldarro masoo marin
Nasiibkuna imuun gabin

Guurkayga aayaha
Gacalkayga wiilkaan
Isku garasha nahayee

Aragtida ku goonahay
Isma seegno goornaba

Geesiga anaa iskaleh
Guullaana igu simay
Inaan u gogol dhigoo
galaddayda weeyaan

Ragga guud caddaa iyo
Gaashaan qaad midduu yahay
Inkastoon gayaan yihiin
Uma wada gudboonee
Gabari keey xulateey
U gardaadisaa ubax

Geestaydaa aniguna
Dookaygii gaarkee
Aan sugay guyaal badan
Allaah kaal igaliyoo
Nin gobeed anaa helay

Geesiga anaa iskaleh
Guullaana igu simay
Inaan u gogol dhigoo
galaddayda weeyaan

Exit mobile version