Heesta Mahadnaq - Lyrics
Hirar soo mashxaradiyoo
Mawjad waa gufaacadu
dadka milay iyo qaar uu
Ka malaysta uu cimiladu
Mahuraanjacaylkuna
Uu dookhu biday iyo
Nafta muhashadeedaa
Kugu soo mirkiciyoo
Kala mudan ayaamuhu
Mana siman dad hooduhu
Anna milicsigaygeeygii
Maansha allaahuye
Nin gobeed macbuudkii
Marwo iiga dhigayoo
Malyuuniyo kunjeer baan
Mahad kaaaga naqayaa
Miyiriyo dulqaadbaa
Lagu moolisaa reer
Soow mala la aantuna
Maal guray kasii daran
Inkastooyoo maseeyuu
Ragna magaca simoo
Xilkasiyo masuuliyo
Waa in miidha sharaftee
Kala wacan buriyo malab
Manfacana ku kala roon
Anna milicsigaygeeygii
Maansha allaahuye
Nin gobeed macbuudkii
Marwo iiga dhigayoo
Malyuuniyo kunjeer baan
Mahad kaaaga naqayaa