Kashaada inaan daweeyoo
Naftaada inaan daneeyo

Dareen caashaq bay faroo
Dugsi baad aniga aniga
Aniga ii taheeeee

Ogoow darajiyo wanaag
Ogoow dadnimiyo aqoon
Adigaan kugu doortayooooo

Xiskiyo laabtaydaad degtoo
Laabtaydaad degtee
Xiskiyo laabtaydaad degtee
Laabtaad degteee

Sidaan nafta kuugu diirtay
U daryeel caashaqeenoo
Sidaan nafta kuugu diirtay
U daryeel caashaqeenoo

Dadaalkaa waligaa ha gabin
Dadaalkaa waligaa ha gabin

Dunida inaaan ku dhawrto
Inaan daacad kuu ahaado

Sidii damal kuu hareeyoo
Damiirka adigaa
Adigaa
Damiirka adigaa baree

Ogoow kartiyo dadaal
Ogoow sharafiyo dulqaad
Qalbiga adigaa ku dajiyoo

Daqiiqad kaama maarma oo
Kaama maarmo ee
Daqiiqad kaama maarmoo
Kaama maarmee

Sidaan nafta kuugu diirtay
U daryeel caashaqeenoo
Sidaan nafta kuugu diirtay
U daryeel caashaqeenoo

Dadaalkaa waligaa ha gabin
Dadaalkaa waligaa ha gabin

Exit mobile version