dareen jacaylbaa
adi dartaa i saaqoo
inaa dabiibto
naftayda aad dawayso
inaad dadaasho
dabarka aad ka goyso
oo aad daryeesho
sidaasi saw dan maaha
way dulawday dayowdy
daashay awgaa
doqon nasiibla
dareemin ruuxa doona
oo haygu diidin
ha damqin boogta dookha
habiibi daadax ha dulayn
soo dag deeqoow
quluubtan daashay
ayaan daawanaysanaynaa
deegaan xalaala
dalkaan ku doogsnaaynaa
daruuro hooraan
dalxiis durduuran doonaa
xareed da,aysaan
dabaal ku ciyyari doona

Exit mobile version