ruuxdaadiyo reenka
raja xumada
ra,yiga nin rageedka
maad raacin
ninaan ku rarayn ratiga
ha u riyaaqin
oo rarankaaga
raas kaleeto ula leexo
horaa ruugcadaatigu
u runsheegay
raqba waa rageedi ha i raajin
riyo baanaad ku jirtaaye ha i raajin
rukun adag ma hayside ha i raajin
wan kaa ridaystuune ha i raajin

raynta ilmo raagtay ragax ka siinta
ra,yigaagu macno buuran uma raadin
adaa raadso raxmad hoorta sida robka
ee rarankaaga raas kaleeto ula leexo
rucda orod anigoo ka rasgaadhay
raga kaan anigu rabin ma rajeeyo
riyo baanaad ku jirtaaye ha i raajin
rukun adag ma hayside ha i raajin
wan kaa ridaystuune ha i raajin

Exit mobile version