naf ku xulataybuu
dookh kugu xidhoo
xurmo iyo kalgacal
adigaan xaqdhawr
xubi kuu hayaa
qalbigaad xushaa
ku dhex xaadirtoo
la,aantaa xiskuba
ma xasilo dharaar
inta wiil xilkasa
anigoon xagnaba
xaqiiq kula simayn
hadaan kaa xigsaday
xafidoo qudhani
xanaanee macaan

nafaan xiisihiyo
xusuustii jacayl
ka xaroobinbaa
xidigyahoow adiga
xubi kugu sidkee
laabtan kuu xalani
xujo iyo dhib iyo
ma gayde xumaan
ku xasili kalgacal
inta wiil xilkasa
anigoon xagnaba
xaqiiq kula simayn
hadaan kaa xigsaday
xafidoo qudhani
xanaanee macaan

Exit mobile version