VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Jid adag - Lyrics

Adigoo jid adag maray Oo jooga meel dheer Wali jamashadaadii Kama jarin calooshoo Waad ijiidanaysaa Anoo jeelo kuu qaba Adigaa jiciirtee Jamaal qurux wanaagow Jaahiyo xasuustaadii Waan ka jiifsan waayay Waan ka joogi waayay Wacadkii dhexdeenana Anoon jarin Oo waliba kalgacalkuna igu jiro Jeexaygii midigoow Ii soo jawaab celi Jibadii kalgacalkaa Jiro igu abuurtoo Dhamaantay jidhkaygiyo Wadnahayga jiidhoo Ku jaxaansan awgaa Jabadkaad ogayd buu Jirku igu hayaa wali Jammaal qurux wanaagow Waanigan jalbeebtee Iisoo jeedso adiguna
Queue is empty
-- / --