Dhalanteed ma deeqdaa
Dhabtu samir ma leedahay
Dhaawaca ku gaadhaba
Dhakso ma u dawoobaa

Inan yohoow dharaarahan
Dhimbiilihii jacaylkiyo
Iigu dhigan
Iigu dhigan xasuustuyee

Kuu dhago nuglaadoo
Ku dhadhabay kalgacalkee
Marna ha iga dheeraan
Marna ha iga dheeraan

Kuu dhago nuglaadoo
Ku dhadhabay kalgacalkee
Marna ha iga dheeraan
Marna ha iga dheeraan
Marna ha iga dheeraan
Oo ha iga dheeraan

Dhado roob ma noqotaa
Dhuku rays ma yeeshaa
Rajadii dhamaataa
Dhaxal suge ma leedahay

Inan yohoow dhawaanahan
I dhex qaaday anoo
Dhuuxana
Dhuuxana ku beernidee

Kuu dhago nuglaadoo
Ku dhadhabay kalgacalkee
Marna ha iga dheeraan
Marna ha iga dheeraan

Kuu dhago nuglaadoo
Ku dhadhabay kalgacalkee
Marna ha iga dheeraan
Marna ha iga dheeraan
Marna ha iga dheeraan
Oo ha iga dheeraan
Oo ha iga dheeraan

Exit mobile version