Hareerahaa nugaalbuu
Igu helay jacaylkuyee
Sida gee hadh weynbaan
Hadhsadaa xasuustee

Hanadkaan jeclaayoo
Holac baad i galisee
Hanadkaan jeclaayoo
Holac baad i galisee
Waxaan hawl u soo maray
Hubaal adiga weeyee

Hogaamiyihii kalgacalkoow
Calafku waa hayaanee
Naga habee dhankaagoo
Hab ku soo dheh caashaqa

Sida halyeey aan dhalaybaa
Ishu halacsataayee
Hawl iyo dhiba ha badin
Hoygaygii noqotee

Hurdo kaama lada ee
Ma ii hagar baxaysaa
Hurdo kaama lada ee
Ma ii hagar baxaysaa
Waxaan haraad usoo maray
Halistaad i galisee

Hogaamiyihii kalgacalkoow
Calafku waa hayaanee
Naga habee dhankaagoo
Hab ku soo dheh caashaqa

Exit mobile version