Anagoo ayaan badan
Waan kugu hanweynoo
Adaan kugu hamiyayaa

Adna hawl yaraan
Warba iima haysidee
Sidaan kaaga helaybay
Naftu kuugu hawlnayd

Halka aad ku nooshahay
Ana haybinaayee
Hadmaan ku helayaa

Ana qaaiyoo beerka
Waan kuu haneeyee
Adna ila wad hawlaha

Hayeeshee naftaydu
Adigaa haleelee
Hadii ay ku weydana
Halisbay ku sugan tahay

Halka aad ku nooshahay
Ana haybinaayee
Hadmaan ku helayaa

Exit mobile version