Ladanoow
Ladanoow jacaylkaaga
Laasimay naftaydoo
Sida looxa alifkiyo
Khadka loogu dhigaybaa
Ana la igu kaa ladhay

Lahashada naftaydiyo
Lacdankii kalgacalkaan
Aawadaa u lumayaa

Aynu noqono labadii
Isku laabahaadee
Aynu noqono labadii
Isku laabahaadee
Hela libanta guurkee
Liibaanta wada hela
Liibaanta wada hela
Liibaanta wada hela

Ladanoow
Adunyada lab iyo dhidig
Looga maarmi waayee
Laba laba isugu xidha
Anigana lur iyo ciil
Lahwi igu abuurtee

Lalabaha kalgaclkiyo
Laxawgii jacaylkaan
Liqi waayayoon oonta

Aynu noqono labadii
Isku laabahaadee
Aynu noqono labadii
Isku laabahaadee
Hela libanta guurkee
Liibaanta wada hela
Liibaanta wada hela
Liibaanta wada hela

Exit mobile version