qaaradahaa aduunkiyo quruumaha ogaado
qalcadii taleexiyo ma qarsoona khaatumo
ha ku seegin qayrkaa qoonkaa tashadiyo nin
aan taada kula qabin qadaf lagama raadshee
kii qiri lahaa iyo ki qarinlahaayow
qadar eebemooyee qaran weeye khaatumo
qoraxdoon iftiinkii qarin caadku weeyaan
khaatumo qiyaasteenay ninka qab ka sugayow
maantaba qorsha yaal qayb kaama saarnee
qiimahaad ka garataa qaan gaadh inay tahay

Exit mobile version