Inaad qaali ii tahoo
Dhabaabi ma dharubaayee
Anigu qumaneey
Waliba shaadaan
Anigu qumaneey
Ardashaad waad ogsoontahay

Inaad qiimo weyntahood
Hablaha qiimo dheer tahay
Anigu qumaneey
Waliba shaadaan
Anigu qumaneey
Ardashaad waad ogsoontahay

Hadaba qeyrkaa han weyn
Dumarkaan qaaradaha kumoo
Miyaan kula qeyb dhigaa
Miyaan shaadooy kula qeyb dhiga

Qalbigaad farax u tahay
Indhahaa ku qiray wanaag
Qalbigaad farax u tahay
Indhahaa ku qiray wanaag
Naftaan kaa quuanayn
Qadarin kalgaacal iyo
Runbaan kuu jeclahay
Qadarin kalgaacal iyo
Runbaan kuu jecelahee

Inaad qaali ii tahood
Hablaha qiimo dheer tahay
Anigu qumaneey
Waliba shaadaan
Anigu qumaneey
Ardashaad waad ogsoontahay

Inaad qaali ii tahood
Hablaha qiimo dheer tahay
Anigu qumaneey
Waliba qaaliyeey
Anigu qumaneey
Ardashaad waad ogsoontahay

Hadaba qaadirkaa ilaahay
Igu qoray haween
Miyaan ku qaboobayaa
Miyaan ardashaad ku qaboobayaa

Qalbigaad farax u tahay
Indhahaa ku qiray wanaag
Qalbigaad farax u tahay
Indhahaa ku qiray wanaag
Naftaan kaa quuanayn
Qadarin kalgaacal iyo
Runbaan kuu jeclahay
Qadarin kalgaacal iyo
Runbaan kuu jecelahee

Exit mobile version