Heesta Aroos wacan - Lyrics
Arooskii wardheeree
Loo wada mashxaradee
Wamaag looguwada sacab tumay
Weene idinka barinee
Aroos wacan oo wanaagsan
Weene idinka barainee
Labo jaceyl wadaagoo
Wadnaha isa siiyoo
kalgacayl is weheshadaa
Weene idinka barinee
Nolol wacan oo wanaagsan
Weene idinka barainee
Ubad waajibkoodiyo
Xaqii waalid gudayoo
Weligiin idin nimceeyaa
Weene idinka barinee
Ubad wacan oo wanaagsan
Weene idinka barainee
Guri awadeed iyo
Aan lahayn waxyeelo
Nimco wayn ka buuxaan
Weene idinka barinee
Guri wacan oo wanaagsan
Weene idinka barainee