adigaa jamaalkiyo
joogaba ayaaneey
dadka jiidanaayo
lagu wada jeclaystee
adiga jiinkaagiyo
kuwa aad la joogtaba
ku jaleecayaanoo
jaahaagu qaadee
ka fogoow jacayliyo
xubi laabta aan jirin
intad dunida joogtana
jirabiyo ha mudan ciil

adigaa caanihii jaqay
hooyo qaali joogtoo
oogada lagaa jaray
jaamici aqoon badan
adiga huunooy jararyo
kasoo jeeda dhagaxbuur
guriceel janaalana
jiridada ay taal
ka fogoow jacayliyo
xubi laabta aan jirin
intad dunida joogtana
jirabiyo ha mudan ciil

Exit mobile version