gugoo curtay onkod ciyaay a
cirkoo da,ay ciida qooyay
curdoon geed wada cagaara
cawskoo baxay simay caleemo
curubta laamaha is gaadhay
carafta ubaxa is cabaaya
hoobaan cas midho canuuna
adaa quruxdaas la cayna
adaa calmashada ku beeray
dhamaan ciriqyada jidhkaygo
waxa u ah ceesh naftayda
caaliya waa daymadaada

cadceed galab casar ka liiqday
daruuruhu cirif ku aastay
falaadhuhu midab casaana
eegmada ku casuuna iyo
cimilo wacan iyo dhul doogle
induhu ay caashaqaane
adaa curubyahay jacaylka
caqligu ku asteeyay maankay
adaa calmashada ku beeray
dhamaan ciriqyada jidhkaygo
waxa u ah ceesh naftayda
caaliya waa daymadaada

Exit mobile version