Haween haween caadooday
Midabkaaga cawlka
Casaankiyo guduudkaa
Timo ceyn fardooley
Timo ceyn fardooley

Haween haween caadooday
Midabkaaga cawlka
Casaankiyo guduudkaa
Timo ceyn fardooley
Timo ceyn fardooley

Ceynkaaga gabadh lihi
Qurux kugu cariirinee
Caaliyaay
U jeel qabaa maba aragee
Caaliyaay
U jeel qabaa maba arag

Ceynkaaga gabadh lihi
Qurux kugu cariirinee
Caaliyaay
U jeel qabaa maba aragee
Caaliyaay
U jeel qabaa maba arag

Cawo iyo ayaaniyoo
Calaf tuu isiiyoo
Ceeshoodaad ag noqotaa
Waa cursi ilaah ilaah
Isu cimri noqonaa

Cawo iyo ayaaniyoo
Calaf tuu isiiyoo
Ceeshoodaad ag noqotaa
Waa cursi ilaah ilaah
Isu cimri noqonaa

Carfoon caaliyaay
Meel kastoon cagaha dhigo
Qaliyo aroos uun
Cindigaa ku tabayoo
Caashaqaagaa igu weyn

Carfoon caaliyaay
Meel kastoon cagaha dhigo
Qaliyo aroos uun
Cindigaa ku tabayoo
Caashaqaagaa igu weyn

Dumar dumar kala cudoonoo
Kala camal wanaagsan
Cimri taan lahaynoo
Casiis iigu deeqaa
Casiis iigu deeqaa

Dumar dumar kala cudoonoo
Kala camal wanaagsan
Cimri taan lahaynoo
Casiis iigu deeqaa
Casiis iigu deeqaa

Cirsigii naftaydaay
Codka adiga leedahay
Caaliyaay
Hadaan caawa qudha
Caaliyaay
Hadaan caawa qudha

Cirsigii naftaydaay
Codka adiga leedahay
Caaliyaay
Hadaan caawa qudha
Caaliyaay
Hadaan caawa qudha

Caafimaadka noloshaay
Hurda kala caloonoo
Waxa tahay cad iga maqan
Ciri jiray ayaa tahay
Ayaa tahay caadil tuu isiiyaay

Caafimaadka noloshaay
Hurda kala caloonoo
Waxa tahay cad iga maqan
Ciri jiray ayaa tahay
Ayaa tahay caadil tuu isiiyaay

Carfoon caaliyaay
Meel kastoon cagaha dhigo
Qaliyo aroos uun
Cindigaa ku tabayoo
Caashaqaagaa igu weyn

Carfoon caaliyaay
Meel kastoon cagaha dhigo
Qaliyo aroos uun
Cindigaa ku tabayoo
Caashaqaagaa igu weyn

Exit mobile version