Heesta Dareen - Lyrics
Gabaryahay dareen
Door caashaqoo
Dawo aan lahayn
ha igu daalinee
Dabin iyo shirqool
Aniga ha igu dabinee
Anni ha igu dabin
Duufaan jaceyl
Dabeelaha hagaa
Adoon igu dirqin
Waan kaa durkee
Bal duco iga beer
Dareenada kalgalacal
Adoon igu durin
Daalacoo halkaa
Daydaydayoo, daydayoo
Midkale daydayoo
Gabaryahay dalxiis
sida daawashada
Dadab xiirinoo
nolal diiranaan
Waa daahirmee
Damac yoo ku galin
Yuu ku galinee
Damac, damac yoo ku galin
Adigaa dulqaad samir diidayoo
Dubaaqii jaceyl deebaan marshee
Daafaan ogayn
Daruuuftii kalgacal
Wacadkii daraaad
Adoo dooriyee
Daydayoo, daydayoo
Mid kale daydayoo