Heesta Farxiya - Lyrics
allaa farxiyaay
jacaylkan ku qabo
ma fududoo
jirkayguu fariistoo
ku faalara bixiyee
markaad meel fog gaadhaa
fikir ila dar saayoo
fahmadaydii suushaa
fahmadaydii noloshiyo
fiyoobidii naftaydaay
taan ku faanayaay farxiyay
faxanaha ilaahbaa
farta isugu keen xidhayee
faced fiira dheereey
dumar iiga filaneey
allaa feertaydii bidixeey
filsantaan jeclaayeey
furihii kalgacalkoo
qalbigaygi furataay
facay maan u liidanoo
fooqa sare la fuulaa
ficilkeed ku bixiyaa
by masuul.com