Heesta Hodan xubigeeygeyee - Lyrics
Hodan xubigaygiyeee
Nuurkii wadnahaygiyee
Xunabda dhiigaygiyeee
Miyaan hodanay ku xoori karaa
Xaqiiq adigaa xishood mudanoo
Xurmo iyo xiliyo xalaaal kuhaboon
Xanuunka jacayl xisaab malahoo
Dartaa xiisahu xadkaba dhaafyoo
Adaa kugu xiray xiskiyo maanka
Miyaan xaas kale xabiibi dhahaa
oo aan xaas kale xayaati dhahaa
Hodanay xilahaygiyee
Nuurkii dumarkeeniyee
Xariir quraxdeediyee
Miyaan xaawalee xagooda gudaa
Xaqiiq adigaaba kala xiranoo
Xarako usocdkiyo xubnahaa idileee
Xanuunka jacayl xisaab malahoo
Dartaa xiisahu xadkaba dhaafyoo
Adaa kugu xiray xiskiyo maanka
Miyaan xaas kale xabiibi dhahaa
oo aan xaas kale xayaati dhahaa