gaari sharaf asluub
edab lag barbaarshaay
ixtiraam u dhalataay
asaageed u bilaney
idileey
inta aamin nool
eebe siiyay qurux
itaal oo hibeeyaa
ilwaad ugu horaysaa
idileey naftaydaay
aday kuu hanwayntoo
intaan dunida noolahay
ku ilaawi maayee

aayatiinkii noloshaay
indheergarad haweeneey
idileey inaan aqalgalnaayoo
ubad ii dhashaabaan
ilwaadeey ayaan doonayaye
aduunyada kumaan arag
inan aynigaadee
ifka samo ku nooloow
aakhirana halkii roon
idileey naftaydaay
aday kuu hanwayntoo
intaan dunida noolahay
ku ilaawi maayee

Exit mobile version