inantii hidaha
lagu soo habee
ku hagoogan baa
hamigeedu yahay
hoy wacan galoo
maruun hooyo noqo
iyada hadhaw
hanti laga baxshaa
halkii ay dagtana
lagu wada hirtaa
farduus halyeey
kol hadaad heshoo
hoy wada gasheen
waxaad haysa iyo
u hibee naftaba
u hiiliyoo
u hibee naftaba

hibo weeye guur
rabi laga heloo
hodan lagu noqde
imisaa hebla iyo
hebel aqal galoo
magac uu ka hadhay
waa geed hadhloo
hurdo lagu gam,e
iyo hogol da,doo
ku haraad baxdee
halyeey iyo xigaal
hadi aad heshoo
hoy wada gasheen
waxaad haysa iyo
u hibe naftaba
u hiiliyo
u hibee naftaba

Exit mobile version