Heesta Jaliil - Lyrics
Jaliil waxuu kuu qoraa
Marnaba cidi joojineen
Adis anoo soo marayba
Jid dheer waxaan soo socdaba
Noirobi goortaan dhax imid
Jacayl igu beermaybaa
Jaleecada eegamadana
Midaan laga jeesan karin
Waad isoo jiidataa
Qalbiga jeex iga taaliyo
Joog dheer Ikraan..
Ikraan Soo ma baran
Jidkii nolashaydiyii
Indhaho waa jooharada
Joogdheer hadalkaagiyo
La jiifkaaga aan jeclahee
Marnaba maranaba
Ikraan kaama joogi karo
Macaaney kaama jiifsan karo
Sidii Jeegaanta roob
Dulumo mai jiifsadoo
Dhirta iyo ubaxa isku jira
Indhahu jeedaaliyaan
Jawina loo bagoo Nafaluhu
Ku jeel baxayaa tahoo
Jaleecada eegamadana
Jacayl igu beertayoo
Waad isoo jiidataa (Haay Qalbi)
Wadnaha jeexiis baa tahoo
Joog dheer Ikraan..
Ikraan Soo ma baran
Jidkii nolashaydiyii
Indhaho waa jooharada
Joogdheer hadalkaagiyo
La jiifkaaga aan jeclahay
Marnaba maranaba
Ikraan kaama joogi karo
Macaan kaama jiifsan karo