sida dhul doogle ubax dhalaaloo
dhamaya xareedii juuniya qurxooneey
dhaayaha u rooneey dhaladeey aroos wacan

gaari dhawrsoon oo hobal dhabiyo
asal ka dhalatoo dhaqan haboonoo
dhiiranbaad tahay dhiiranbaad tahay

dhabankaaga quruxdiyo dhaqanka suuban
waad u dhalatoo hablaha dhigaayaad
juuniyeey qiimo dheertay

ALLE ha dhawree aabo ruqiya
hooyo roosa edebta kugu dhalay
juuni dheemaneey kugu dhalay

dhexyareey arooskagana farxad oo dhigaayaad
u dhaxdee aroos wacaneey awlaad dhulkoodiyo
diintaba anfaca anfaca dhalaa
aamiin

Exit mobile version