Heesta Jufa - Lyrics
Idhan degaanadiisii
Inaan wada dalxiisnoo
Kula dubto xasiidoo
Kuuna diiro aalaha
Dacalkaada joogo
Adiguun ku daawado
Sidaad tahay dhul doogliyo
Dareemadu is qabatoo
Duunyadu ku naaxdoo
Dadku farax ku joogaan
Ayaan kuugu doogtaa
Oon kuugu dararaa
Markaan dayo dhankaagee
Hodaneey dunbaad tahaye
Dun xariiranbaad tahayee
Ilaa iyo magaalo caday
Jufa daafaheediyee
Yaa kula dadab galo oo
Ku dalxiis aroortiiyee
Dagalada dhamaantoodee
Kusoo daawadsiiyaa oo
Dawooy dumar mudnaanta
Mida daris la noqotee
Anigana i deeqdaay
Dumar gabi ahaantood
Dookh tuu i raacshee
Abid dayn karaynoow
Waxaad tahay darmaane