Heesta Ma ogtahay - Lyrics
ma ogtahay inbadanbaaan
kaa aamusnaayoo
afka kaala baqayee
ma ogtahay indha iyo
uurkuba daraadaa
inay kuu ilmeeyaan
kalgacayl la ooyaan
ugub kula midaan ahee
sidaan aabahaa dilayee
ooda ha iga roganee
umalka iga daaa
ajo kaama dhoobayn
igadh kaama gaagixin
kaamana agtagayoo
anigu anigu anigu adigaan ku jecelee
kaalay kaalay adhaxda igu qaad
ma ogtahay ayaamahan
anigiyo haweenkaba
arxan nama dhexyaalee
ma ogtahay amaaniyo
waligood abaal male
ana kama sugaayee
hadaad doonto ololoo
waxba iimaha ihide
edeg edegbaad i galiseene
waan aarsan doonaa
ilmada iga daa iga daa
ii kaalay kuma odhan
ilbaxnimo maaha sidan
ragna lama afduubee
anigu adigaan ku necebee
orod orod aragaaga iga qari