Heesta Muno - Lyrics
Ilaa ciil soo il roog
Ilaa ciil soo il roog
Hankaygu ku doogsadaa
Halbawlahaa dhiiga wada
Midii laga saaro hagaag
Halbawlahaa dhiiga wada
Midii laga saaro hagaag
Idaayoo ilaah baxshaa
Hubaal aktiyo wadnaha
Waxad u horseeday farax
Munaay hawraar san iyo
Waxad u horseeday farax
Munaay hawraar san iyo
Abaal hambalyiyo tahliya
Hawada kuu soo marshaa
Hawada hawada kuu soo marshaa
Kuu soo marshaa
Aslooy bilic iyo hufnaan
Midii bisha laga hubiyaay
Anigu hawd iyo ayaan
Hablaha kala soo dhex baxay
Muunaay waa hooyadaa
Muunaay waa hooyadaa
Muunaay waa hooyadaa
Muunaay waa hooyadaa
Habeenkaad dhalatiyo
Wakaa hiiqaan helaa
Habeenkaad dhalatiyo
Wakaa hiiqaan helaa
Hamuuntii aan qabiyo
Haraadkii iga baxee
Hamuuntii aan qabiyo
Haraadkii iga baxee
Inaad kala qaado iyo
Ducaan kuu hibeenayaa
Hadana hadal fiican iyo
Habkay diinteenu tahay
Hadana hadal fiican iyo
Habkay diinteenu tahay
Inaad u hogaansanaatiyo
Hanuunbaan kuu baryaa
Inaad u hogaansanaatiyo
Hanuunbaan kuu baryaa
Baryaa baryaa
Kuu soo baryaa kuu soo baryaa
Aslooy bilic iyo hufnaan
Midii bisha laga hubiyaay
Anigu hawd iyo ayaan
Hablaha kala soo dhex baxay
Muunaay waa hooyadaa
Muunaay waa hooyadaa
Muunaay waa hooyadaa
Muunaay waa hooyadaa