qisaasii jacayloo
quluubo hore u dilay
sida qays iyo layla
qabri geeyay labadaba
laabta iga qarqariyo
ana qoorta ii sudhan
la qarwaa habeenkii
qalbigu tuu qushuucoo
nafta qiiro galisaay
qalanjadaan jeclaayay
qaban waayay jiifkee
qiimee kalgacalkoo
caashaqan u qiil bixi

qofta aad qadarisoo
qayrkeed ka xulatoo
isla qeeexday sheeko
kuu qumani wacanaa
qorshe aad ku gaarteen
qoys inaad yagleeshaan
ku qayaane daranaa
qalbigu tuu qushuucoo
nafta qiiro galisaay
qalanjadaan jeclaayay
qaban waayay jiifkee
qiimee kalgacalkoo
caashaqan u qiil bixi

Exit mobile version