Iqra yareey:
Rajadeeda hadaan helay waan reestee
Riyadayda rabiyaa run ka soo yeelayee
Rag adoo kale maan helaayee

Wada jir:
Ku rabaayee anba waan ku rabaayee
Run makaa tahayee
Ku rabaayee anba waa

Iidle yare:
Riixaanta janaadaa ii tahayee
Iyo roob raxmadiisa lagu raaxeestee
Ruuxay adigaas ku raacee

Wada jir:
Soo riikee ruunee soo riikee
Raaliyaan ahayee
Soo riikee ruunee

Iqra yareey:

Ha iga raagin soo raac soo rooree
Rasmiyaa tahay waan isku roonahay
Ha isreebin an (aniga) waa rajuucayee

Wada jir:
Ku rabaayee anba waan ku rabaayee
Run makaa tahayee
Ku rabaayee anba waa

Iidle yare:
Reer noo dhisma aa raaligayga ahee
istiriix ku rafaadnayee iyo raad xumee
raaraadis adaan kugu waayayee

Wada jir:
Soo riikee ruunee soo riikee
Raaliyaan ahayee
Soo riikee ruunee

Exit mobile version