VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Wax dhintaa ka samirtaa - Lyrics

wax dhintaad ka samirtaa rajo waa la dhawraa wixii dhumayna doodoon ayaad is dhiiri galisaa dhabaan ceel dageenbaan geel ku dheelmiyaayoo dhalandhool haraadbaan nafta dhiganayaaye dhici wayday sidaan rabay dhaawiciiba dilaacayoo waa dhaboobay jacaylkaa dheeldheelsanaayee dhagax dhuunta kama dago dhaayahaad ku aragtaa dhulka meesha doogale harar kuma dhadhabashee ana dhaawacbaan ahoo dhibtu way igu badantoo dhididiyo kulaylbaa dhabanada ka da'ayee
Queue is empty
-- / --